Garoowe: Dabley hubeysan oo weerartay guriga Taliyaha Booliska Nugaal

Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guriga uu ka degan yahay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac.

Ilaalada hoyga G/Sare Maxamed Aadan iyo kooxda weerarka ku qaaday ayaa muddo ilaa 20 daqiiqo ah isweydaarsanayay rasaas xooggan, mana jirto wax khasaare ah oo la sheegay inuu ka dhashay weerarkan.

Dableyda weerartay guriga Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal oo ku yaala xaafada 1-da August, ayaan la ogeyn ilaa hada heybtooda, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli todobaadkan ay magaalada Garoowe ka dhaceen labo dil oo ay geysteen ilaalada Madaxweynaha Puntland iyo askari kamid ah Ciidanka Daraawiishta.

Idilnews