Beesha Caalamka oo ugu baaqday Farmaajo iyo Rooble inay deg-deg u heshiiyaan (War-saxaafadeed)

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Arrimaha Doorashooyinka, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay si deg-deg ah u heshiiyaan.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.

Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherland, Norway, Qadar, Saudi Arabia, Sudan, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

Idilnews