Maxaa kasoo baxay shirkii maanta ee Guddiga Amniga gobalka Nugaal ? (VIDEO)

Guddiga Nabad-gelyada gobalka Nugaal ayaa maanta kula deg-deg ah ka yeeshay xaalada Amni ee gobalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray weerarkii lagu qaaday hoyga Taliyaha qeybta Booliska gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Aadan Jaamac, dilal ka dhacay gobalka iyo isheysiga dhulka oo muddo sanado ah ka taagan caasimadda Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee gobolka Nugaal ahna ku-simaha Gudoomiyaha Qaasim Maxamed Cabdi, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey qodobada kasoo baxay shirka amniga gobolka Nugaal

Idilnews