Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.