Wararkii ugu dambeeyay ee hub aruursi ka socda Dhuusa-mareeb iyo Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel ayaa sheegay in hub aruursi ay ka socdaan labadan magaalo, kuwaas oo ay wadaan Ciidammada Ahlu-sunna ayaa jimcihii la wareegay magaaladda Guriceel iyo Ciidanka DFS iyo kuwa Galmudug.

Labada dhinac ayaa maalmo kahor uu dagaal culus oo sababtay dhimashada 10 ruux uu ku dhexmaray deegaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb. Ahlu-sunna ayaana ku eedeysay maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu dagaalka Al-Shabaab oo qabsatay deegaano kamid ah Galmudug ay ka door-bideen dagaalka culimada Ahlu-sunna oo isku diyaarinaysay dagaal ka dhan Argagixisada Al-Shabaab.

Qoorqoor ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb, iyadoona sidoo kale magaaladaas ay ka dageen saacado kaddib imaanshihiisa diyaarado wada Ciidammo kamid ah DFS oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho.

Baaqyo kala duwan ayaa kasoo baxay xaalada cusub ee kasoo cusboonaatay deegaanada Galmudug, Maamulka Qoorqoor iyo Ahlu-sunna ayaa loogu baaqay inay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan xiisada labada dhinac.

Idilnews