Wasiir Beyle “Maalintaan dhahnay dhaqaalaha Soomaaliya sag-xadduu joogaa dad baa dabaal-dagay” (VIDEO)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo xafiiska ku qabtay Shirka jaraa’id ee la kulan wasiirkaaga ayaa ka hadlay horumarka dhaqaalaha dalka, doorashooyinka iyo maamulka dhaqaalaha ee marxaladdan kala guurka.

Wasiir Beyle, ayaa ugu horeyn sheegay in dib u habeynta dhaqaalaha uu ku socdo hannaankii loogu talagalay islamarkaana ay sababtay kor u kaca aaminaada hey’adaha dhaqaalaha dunida oo u diyaariyay deeq dhan hal bilyan oo Doolar oo loogu talagalay horumarinta mashaariicda Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Marxaladda kala guurka iyo khilaafaadka siyaasiga ah aanay marna saameyn ku yeelan howlaha hey’adaha maaliyadda dalka oo si caadi ah u socda, isagoona intaas ku daray in uu la yaabay in maalintii uu yiri dhaqaalaha Soomaaliya sagaxaduu joogaa ay dad u dabaal-dageen.

Idilnews