12 kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal

Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Howlgal qorsheysan oo dad lagu qabqabtay ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka Janaale oo hoosta Magaalaa Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Maamulka degaanka Janaale ayaa Ciidamadu waxaa ay ka fuliyeen tuulooyinka, Kaaytooy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagade iyo kabtaanka oo dhamaantood u dhow degaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada sida gaarka u tababaran Ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Mustafe (Madaale Qaran) ayaa sheegay in howlgalka lagu qabqabtay Boqolaal Ruux, kuwaas oo uu sheegay in baaritaano ku wadaan.

Maamulka degaanka janaale oo horkacyay gudomiyaha degaanka Cabdiraxmaan yuusof al cadaala iyo ku xigeenkiis aminga Ayaa qeyb ka ahaa howlgalka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalka intii ay kujireen Ciidamada ay dagaal culus Al-Shabaab kula galeen, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen 12 kamid ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo Mas’uuliyiinta Maamulka degaanka Janaale ayaa howlgalka kadib waxaa ay dib ugu laabteen degaanka, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay howlgallada sii socon doonaan.

Idilnews