Guddoomiyaha Gobalka Bari oo la kulmay Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay bulshada ka soo jeeda koonfur galbeed ee ku sugan Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay xoojinta xiriirka maamulka Gobolka Iyo bulshada ka soo jeeda Koonfur galbeed, ka shaqeeynta bilicda magaalada Bosaaso, xoojinta amniga, ka hortaga xanuunka COVID-19 iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa hormarka Gobolka.

Maamulka Gobolka Bari, ayaa mar waliba ahmiyad gaar ah siiya isku xirka bulashada Iyo Dowladda, bulsho weynta reer koonfur galbeed ee ku sugan Gobolka ayaa ah kuwo mar waliba ka shaqeeya hormaka Gobolka maalgashiyo kala duwana sameeyey waxa ayna mudan yihiin dhiiraglin iyo garab istaag buuxa.

Dhankooda bulshada ka soo jeeda koonfur galbeed ayaa ka hadlay kulanka waxa ayna Guddoomiyaha uga mahadceliyeen kulankan waxa ayna balan qaadeen in ay ka shaqeeyn doonan Hormarka Gobolka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Isimada dhaqanka ee beelaha ka soo jeeda Koonfur galbeed, Ganacsato, dhalinyaro, Nabadoono Iyo Wax garad.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna ugu horeyn xafiiska ku soo dhoweeyey bulsho weynta koonfur galbeed ee ku ganacsata Gobolka Waxa uuna ku bogaadiyey in ay dalka maal-gashtaan oo ay ka shaqeeyaan hormarka Gobolka.

Idilnews