Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baraawe (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah xarumaha adeegyada bulshada ee Baraawe.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in muddo ah inuu ku taamayay inuu booqdo magaalada Baraawe oo ah magaalo leh ilbaxnimo iyo taariikh fac weyn isaga oo Shacabka Baraawe uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran.

Idilnews