Xildhibaano iyo Senataro ka soo horjeestay dhaqdhaqaaqa Ahlu-sunna ee gobolada dhexe (VIDEO)

Qaar ka mid ah Senatarada laga soo doortay Galmudug iyo Xildhibaano ayaa si weyn ugaga soo horjeestey dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo la wareegista deegaano ka tirsan Galmudug ee ururka Ahlu Sunna.

Senator Cabdixakiim Macalim oo la hadlay saxaafada ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin tallaabooyinka ay Ahlu Sunna ay qaaday ayna yihiin kuwo ay ku raadinayaan galaangal siyaasaddeed iyo in lala hadlo.

Siyaasiyiinta ka soo horjeesatay dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad waxana uu sheegay in aysan sax ahayn qorshaha ay wadaan Ahlu Suna waxana uu taageero weyn u muujiyay Maamulka Galmudug.

Maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna ayaa la wareegay magaalooyinka Guriceel iyo Ceeldheere iyo deegaano kale oo ku yaal gobolka Galgaduud waxayna sababtay in ciidamo badan ay dowlada federalka geyso magaalada Dhuusamareeb.

Ma jiro illaa hadda wax tallaabo ah oo uu qaaday Maamulka Galmudug oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay Ahlu Sunna ka bilaabeen Galmudug.

Idilnews