Abiy Ahmed oo mar kale loo dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Abiy Ahmed Cali , ayaa mar kale loo dhaariyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya shanta sano ee soo socota, doorasho in mudda ah soo jiitantey natiijadeedana dhawaan lasoo saarey.

Ra’iisal wasaaraha, ayaa dhaarintiisa kadib, lagu wadaa inuu soo dhiso gole wasiiro oo cusub, ka gadaal markii ay dhacdey doorasho la isku khilaafey bishii June ee ina dhaaftey.

Xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, taasoo u gogol xaartey in dib loo doorto.

Xubnaha uu ka koobnaan doono Golaha Wasiirada, ayaa la rajeynayaa iney ka turjumi doonto, halka ay dowladda cusub ka istaagi doonto dagaalka ka socda gobolka Tigreega. Xubnaha qaar ee mucaaradka, ayaa la filayaa iney qeyb ka noqdaan xilalka Golaha Wasiirada ee cusub.

Baarlamaanka ayaa furmey, iyadoo maantaba ay sameeyeen dhaarinta Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Saraba.

Idilnews