Madaxweyne Laftagareen oo guddi u saaray dadkii laga soo tarxiilay Laascaanood (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Guddi kumeel gaar ah u saaray dadka laga soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay raadin doonaan hantida dadka laga soo musaafuriyay Magalada laas-Canood, kaas oo ah mid balmarsan Diinta & hanaanka dhaqanka dadnimada Soomaliyeed meeldhacna ku ah xaquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah oo ay ku kacday Somaliland.

“ Markuu texgaliyey: Hab dhaqanka aan wanagsaneyn ee ay Somaliland kula dhaqantay muwaadiniin ta Koonfur Galbeed ee ku sugan laascaanood iyo in guddigu sameynt doono gurmad iyo dib-u-dejin dadka lasoo barakiciyey ayaa Madaxwweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu Magacaabay Xubnaha Guddiga oo kala ah.

Maxamed Abukar Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha &Dowladaha Hoose ee KGS

Guddoomiye

Axmed Madoobe Nuunow Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ee KGS
Xubin

Maxamed Cusmaan Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka ee KGS
Xubin

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka ee KGS Xasan Xuseen Maxamed
Xubin

CabdinAasir Cabdi Caruush Wasirka Wasaarada Gargaarka , Maareeynta & Musiibooyinka ee KGS.
Somaliland ayaa muddo Saddex Maalmood oo xiriir ah waxa Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo musaafurisay in ka badan 2000 oo qof, kuwaas oo degaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana falkaas ka carooday inta badan Shacabka Soomaaliyeed.

Idilnews