Puntland Oo 8-deed Argagaixisada Alshbaaab ka tirsan ku xukuntay Dil

Maxkamadda racfaanka ee Puntland ayaa ayidday go’aan hore loogu riday siddeed qof oo horey maxkamad milatari ugu xukuntay dil toogasho kadib markii lagu helay inay ka tirsan ururka Al-Shabaab.

8-Dhalinyaro ah,ayay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland horay ugu xukuntay Dil,balse Racfaan ayay ka qaateen.

Puntland waxay horay Dil ugu fulisay 18-kamid ah argagixisada Alshabaab oo Dad fara badan oo gaaraya 90-Qof ku laayay Gaalkacyo.

Talaabadan Maxkamada Racfaanku ku ayiday Xukunkii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dilka ahaa,ayay soo dhaweeyeen Bulshada Puntland.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay Maxkamadaynta Xubnahan dib uga bilaabatay Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.