Madaxweyne Karaash oo guddoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Puntland

Garoowe: 06 October 2021: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

Idilnews