Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ? (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha Dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.