Pakistan: 20 Ruux oo ku dhintay dhul-gariir

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ilaa 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen saacadihii hore ee Khamiistii, kadib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.7 uu ku dhufta koofurta Pakistan, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka geeriyooday ay hurdeen, sida uu sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka dhintay badankoodu ay ahaayeen haween iyo carruur.

In ka badan 100 cariish ayaa dumay, iyada oo dhismayaal badana ay soo gaartay waxyeello, waxaana muuqallada laga siidaayay telefishanka ay muujinayeen dhaawa soo gaaray guryaha magaalada Hamia oo uu dhulgariirku ku dhiftay.

Sohail Ansar oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalad kale ee Hamai ayaa wakaaladda wararak ee Reuters u sheegay in boqolaal qof uu guryo la’aan dhigay dhulgariirkan.

Diyaarad ciidmada cirka ee Pakistan ah ayaa ugu yaraan sagaal ka mid ah dhaawacyada halista ah u qaaday magaalada Quetta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press Pakistan.

Pakistan oo dhowrjeer oo hore ay ka dhaceen musiibooyinka noocan ah ayaa dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.7 oo ku dhiftay magaalada Quetta sanadkii 1935kii waxaan ku dhintay 30,000 ilaa 60,000 oo qof, kaas oo burburiyay magaalada inteeda badan.

Sanadkii 2006, ilaa 73,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.6 kaas oo ku dhacay qiyaastii 95-kilo miter meel waqooyi-bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Idilnews