Puntland oo saldhig Boolis oo cusub ka hirgalisay Qandala

Qandala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed (Soomajeeste), ayaa Xariga ka jaray guriga martida iyo Saldhiga ciidanka Booliska ee Degmada Qandala, isagoo intaas kadibna dhagaxdhigay Xarumo cusub.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin saldhiga Booliska Degmada oo dib u dayac tir lagu sameeyey iyo guriga martida oo si dhamaystay loo qalabeeyey.

intaas Kadib waxa uu dhagax-dhigay Xarunta wasaaradda Haweenka, Xarunta 2aad ee martid Degmada iyo Beerta Nasashada Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Sidookale wasiirku wuxuu kormeer indho indhayn iyo u kuur gelid ah ku tagay xarunta cafimaadka Degmada, Iskoolka Hoose dhexe iyo goobo kale oo qadiimi ah, isagoo mid mid uga dhagaystay baahiyahooda.

Kormeer kaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyiha Gobolka Bari Senator Cabdisamad Yuusuf Abwaan, xildhibaan Faysal Cumar Geesdiir, Xoghaya Wasaaradda, agaasimayaal ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha, Isuduwaha wasaarada haweenka, iyo madax kale oo ka tirsan
Wasiir Mohamed Musadaq ayaa Bulshada Iyo Maamulka Degmada qandala ku bogaadiyey in ay ka faa’idaystaan mashaariicda hormarineed ee laga wado Degmada, waxa uuna uga mahadceliyey sida ay diyaar ka ugu yihiin hormarka Degmada iyo ka shaqaynta nabadda.

Idilnews