Afghanistan: Daacish oo war kasoo saartay qarax ka dhacay Masjid

Ururka Daacish-ta Gobalka Khorasan ee Afganistan (ISIS-K) ayaa waxaa ay sheegteen weerarkii Isqarxinta ee shalay lala beegsaday Masjid ku yaalla Gobalka Kunduz ee Waqooyiga dalkaasi.

Qoraal ay Daacish soo saartay oo ku qornaa Luqada Carabiga ayaa lagu sheegay inuu Qaraxaasi fuliyey Nin u dhashay Qowmiyadda Muslimiinta Uyghur ee laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Shiinaha (Uyghur Muslim).

Qaraxaasi waxaa lala beegsaday dad Salaada Jimcaha ku tukunaysay Masjid ku yaalla Degmadda Khan Abad, iyadoo ay 50 qof ku geeriyootay, halka ay in ka badan 100 kale ku dhaawacmeen.

Qoraalka Kooxda Daacishta ee ISIS-ta ayaa waxaa sheegeen in Qaraxaasi lagu dilay 300 oo qof oo ka soo jeeda Muslimiinta Shiicada ee Hazara

Dhinaca kale, Maamulka Daalibaan ayaa waxaa ay cambaareeyeen Qaraxaas lagu le’day, iyagoo sheegay inay ku raad joogaan kuwii ka dambeeyey Falkaasi.

Idilnews