Golaha Deegaanka Qandala oo la barayo hoggaaminta wanaagsan

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Musadaq Maxamed (Soomajeeste), ayaa daah furay Tababarka Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

Tababarkaan oo socondoona muddo 3 bari ah ayaa Golaha Deegaanka cusub ee Degmada Qandala waxaa lagu bari doonaa, habka maareynta shaqada iyo hogaaminta wanaagsan.

Tababarka waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Agaasimayaal ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Iskuduwaha Wasaaradda haweenka ee Gobolka Bari, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari, Madaxa Hay,adda PSA, iyo Madaxkale.

Ujeeddada tababarkaan ayaa daaranaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Golaha, waxaana fulinaysa Wasaaradda oo kaashanaysa Hay,adda PSA.

Idilnews