Wasiir Abgaal oo ugu baaqay shacabka gobalka Karkaar bixinta canshuuraha (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa magaalada Qardho ka xarig-jaray xarunta Wasaaradda Maaliyadda, taasoo lagu sameeyay dayactir ballaaran.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Duqa degmada Qardho, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada gobolka Karkaar, Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda in ay ka shaqeeyaan sidii xoogga loo saari lahaa kobcinta dakhliga, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan gobolka in ay bixiyaan cashuurta si dowladdu usii waddo howlaha ku aadan dib u dhiska dalka.

Idilnews