Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ku dhawaaqay in 620 qof laga helay COVID-19 (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Garoowe ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland.

Wasiir Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in bishii tagtay ee September cudurka COVID-19 laga baaray 4228 qof, iyadoo cudurka laga helay 620 qof, halka ay u geeryoodeen 9 qof.

Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka inay muujiyaan feejignaan la xariirka cudurka, ayna qaataan tallaalka COVID-19 oo ku diyaar ah xarumaha caafimaadka ee deegaanada Puntland, maadama uu yahay tallaalku waxa kaliya ee yareyn kara fiditaanka cudurka COVID-19.

Idilnews