Isku socodka gaadiidka ee Boosaaso iyo Carmo oo saaka xayiran

Roobab xooggan ah oo xalay ka da’ay deegaano katirsan gobalka Bari ayaa sababay inuu hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka ee magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland, kaddib markii biyo fara-badan ay kusoo rogmeen toga Ceeldaahir.

Gaadiid badan ayaa ku xayiran labada dhinac ee toga Ceeldaahir, Maamulka gobalka Bari ayaana uga digay shacabka iyo gaadiidleyda inay u bareeraan khatar, ayna isku dayaan inay ka gudbaan toga.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ayaa rakaabka ay sideen dib ugu kala celiyay degmadda Carmo iyo deegaanka Ceeldaahir oo kuyaalla labada dhinac ee toga.

Idilnews