Jubbaland oo ka hadashay Abaaraha ka jira deegaanadeeda (VIDEO)

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu horkacayay oo muddo howlo shaqo ugu maqnaa Dalka dibadiisa ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Labada gole eeJubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG eee Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka oo warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee Garoonka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Jubbaland isagoona faray ganacsatada iyo hay’adaha samafalka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wuxuu intaas kudaray madaxweyne kuxigeenka Jubbaland in dadku ay abaaruhu sameeyeen in ay Maamulka Jubbaland inta awoodeeda ah ay garab istaag u sameyn doonto.

Degaannada ugu daran ee xilligan kajirto abaarta oo saameysay dadka xoolaleyda ah ayaa waxaa ay kajirtaa degaano hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Idilnews