Madaxweyne Karaash oo ka hadlay geerida AUN Qoraa Maxamed Afrax

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax Guddoomiyihii Guddiga dib u eegista Dastuurka oo sidoo kale ahaa guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka-Soomaaliga (AGA), oo ku geeriyooday London.

AHUN Dr Maxamed Daahir Afrax ayaa ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wakhti badan iyo dadaal ku bixiyey, illaalinta iyo horumarinta Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale Wuxuu hadda guddoomiye u ahaa guddiga dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa geerida AHUN Dr Afrax uga Tacsiyeeyay ummada Soomaaliyeed, Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, Guddiga Akadeemiyad goboleedka Afka-Soomaaliga (AGA), dhammaan eheladii, asxaabtii iyo qoyskiisii. Wuxuuna alle uga baryay marxuumka inuu janadii geeyo aamiin.

Idilnews