Maxaa sababay dib-u-dhaca doorashada Madaxweynaha DFS ee loo asteeyay 10-October ?

29-kii Bishii June ee sanadkaan ayaa Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka waxaa ay soo saareen Jadwal doorasho oo ka dhashay heshiiskii 27-kii May ay ku gaareen Magaalada Muqdisho , kaas oo ugu dambeyn Maanta oo taariikhdu ku beegan 10-ka Octoober loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, balse jadwalkaas uu Shaqeyn waayay.

Dhowr jeer ayay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, iyada oo uu dbaqan geli waayay Jadwalo doorasho oo ay soo saareen Golaha wadatashiga qaran iyo Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in jadwalka doorashada farsamo ahaan ay lahaayeen Golaha wadatashiga Qaran, balse ka guddi ahaan ay doorashada qabsoomideeda ay u qorseeheyeen 50 maalmood gudahood inay ku dhacdo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sababta ay doorashada dib ugu dhacday ay tahay arrimo farsamooyin yar yar ah ,sidoo kalena ay jiraan caqabado ,kuwaas oo uu sheegay in laga gudbi doono si ay u qabsoonto doorashada Soomaaliya.

Tiro dhowr jeer ah ayay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay Madaxdii ka horreeysay inay iyaga mas’uul ka yihiin dib u dhacyo dhowr jeer ku yimid doorashooyinkii hore, iyada oo Siyaasiyiinta mucaaradka ay ku eedeeynayaan Farmaajo in uu mas’uul ka yahay dib u dhaca doorashada Soomaaliya maadaama muddo xileedkiisa uu dhamaaday 8-dii Febaraayo ee sanadkaan 2021.

Idilnews