Boolis ka socda AMISOM oo gaaray Dhuusamareeb iyo Baraawe

Ciidammo Boolis ah oo ka socda AMISOM ayaa maanta gaaray magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb, oo caasimadaha rasmiga ah ee maamul-gobaleedyada Koonfur Galbeediyo Galmudug.

Booliska AMISOM ayaa qeyb ka noqonaya sugida Amniga doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhacaysa todobaadyada soo socda magaalooyinkaas.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawaan shaaciyay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka.

Idilnews