Heshiis laga gaaray Amniga Doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa shir-guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo dhawaan qabsoomaya.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland, ayaa intii uu socday diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa Amniga saddexda degmo ee loo asteeyay doorashooyinka hordhaca ah, iyadoo laga soo saaray go’aamo lagu sugayo Amniga Doorashooyinka.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale oo amni.

Idilnews