Maxay ka wada-hadleen Laftagareen iyo Wakiilada Beesha Caalamka ?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatey wakiilo ka socdey beesha caalamka oo ay uga horeyso kuxigeenka Wakiilka qaramadda midoobe ee soomaaliya ayna qeyb ka ahaayeen safiirada UK iyo Midowga Yurub.

kulanka waxaa looga hadley Xaalada Dadkii laga soo musaafuriyey Laascaanood,
Amniga guud Iyo Doorashooyinka Aqalka hoose ee la filayo in ay ka bilaabadaan deegaanada Dowlad gobaleedka koonfur galbeed.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa horay waxaa ay ula kulmeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Galmudug iyo Jubbaland, iyaga oo kala hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Idilnews