Madaxweyne Axmed Madoobe oo baaq kasoo xaalada abaareed ee jirta deegaanada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubaland taas oo khatar ku ah nolosha dad badan oo kamid ah bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhamaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaalada hada taagan isla markana qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

Idilnews