Maxaad ka fahansan tahay Guusha Somaliya Ee Dacwada Badda?

Go’aanka Maxkamadda Qaramada Midoobay (ICJ) ee ku aadanaa muranka Badda ee u dhexeeyey Somaaliya iyo Kenya.

Dacwadda Kenya:

  1. Inuu jiro heshiis iyo is afgarad ka dhexeeya Soomaliya iyo Kenya.
  2. In Xariiqda si toosan (Parallel) looga jiido Raaskambooni

Soomaaliya:

  1. Ma jiro wax heshiis ah oo Kenya Nagaland dhexeeya
  2. Waa in Xariiqda loo weeciyaa si waafaqsan halka dhulku ku dhaamdo, lana raaciyo dhererka dhererka balaca (Equidistant) ah sida sharciga Aduunku qabo.

Maxkamadda ICJ oo adeegsanaysa:

  1. Sharciga Badaha Aduunka (Convention of the Law of the Seas) ee loo yaqaan UNCLOS oo la meel marine sanadkii 1982
  2. Khuburo Caalami ah oo booqatay halka Dacwaddu ka jirto

Maxkamadda oo ah Maxkamad ay leedahay Qaramada Midoobay oo loo dhisay in ay:
Dhex- dhexaadiso Waddamada markii ay isku qabtaan arrimo la xiriira xuduudaha sida berriga, badda iyo Hawada.

Maxkamadda ICJ way ka duwan tahay Maxkamadda ICC. ICJ go’aanka waxaa 15 Xaakim oo u codeeya go’aan kasta. Halka ICC (International Criminal Court) hal Xaakim go’aanka leeyahay.

Maxkamadda ICJ waxay go’aankeeda ku saleysaa: Nabad iyo Xasilooni inuu horseedo. Waana kama dambays oo racfaan ma lahan.

Go’aanka Maxkamadda ICJ 12 October 2021:

Soomaaliya:

  1. Xuduudda Badda waxay ka cabirtay line ka hoose ee Soomaaliya ku doodaysay. Waxay lineka dib u celisay 14 degree ilaa iyo inta 200 mile uu gaarayo, kaddibna Soomaaliya dib ayey u heleysaa wixii ka go’ay
  2. Maxkamaddu waxay u daneysay Kalluun Dabato (Fisheries) reer Kenya ah oo lineku kor maray ayey ka soo weecisay,

Kenya:

  1. Waxaa laga diiday in Soomaaliya wax heshiis ah kala dhexeeyo
  2. MoU ma ahayn heshiis ee wuxuu ahaa caddeyn in ay jirto muran badeed labada dal u dhexeeya
  3. Maxakamaddu Kenya way ka diiday in line ka (Parallel Latitude) ay u xukunto ama ay ka dhigto Asaaska laga bilaabayo cabirka

Kheyraadka:

Kenya waxay heshiis la gashay shirkadda Total iyo Eni. Waxaa baarista sameeyey Shirkad Norwegian ah oo la yiraahdo Schulemberger.

Somaaliya waxay ka Guuleysatay:
Kenya, France (Total), Italy (Eni) iyo Abu Dhabi Fun iyo Qatar Investment Authority oo maal gashaday labadaas shirkadood.

Ugu dambeyn, Siomaaliya waxay ku guuleysatay in ay hesho boqolkiiba 80% (qiyaas dhul badeedkii lagu muransanaa. Halka Kenya ka heshay boqolkiiba 20% (qiyaas).

Jibril Qoobey.