Maxay ka wada-hadleen Taliyaha Booliska Gobalka Bari iyo Guddiyada Doorashooyinka DFS ?

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Xafiskiisa Ku Qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) iyo Heer Mamaul Goboleed (GMDHDX) ee Puntland.

Kulankaan ayaa la iskaga xog wareystay Xaladaha iyo diyaar Qabashada Kuraasta Aqalka Hoose oo dhawaan sida uu qorsha yahay lagu qaban doono Magalada Bosaaso.

Taliye Xuseen ayaa Gudigaan u sheegay in xili horeba ay u diyaar u noqdeen sugida amniga isagoona sheegay in waxwalba ay Booliska Gobalka Bari diyaar ka yihiin,

Muuse Geelle Faroole oo ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay tahay arin wanagsan sida ay Bosaaso diyaar ugu tahay qabsoomida Dorashadaan isagoona u mahadceliyay Booliska Gobalka Bari iyo Bulshada Bosaaso isagoona sheegay in ay tahay wax lagu farxo arintaan.

Idilnews