Uhuru Oo ganafka ku dhuftay xukunkii Maxkamada

“Statement by H.E. Hon. Uhuru Kenyatta, CGH, President of the Republic of Kenya and Commander in Chief of the Defence Forces on the International Court of Justice judgement in Maritime Delimitation Case”

Hanjabaadiisa iyo diidmadiisa go’aanka Maxkamada waa hab uu ku mashquulinayo Shacabkiisa.

Uhuru siyaasiyan gudaha Kenya Dhulkuu yaalaa, mana jeclaysan in go’aanka Maxkamadu kusoo aado mudo xileedkiisa.

Dhanka kale caalamka waxaa looga arkaa Nin isagoo Maxkamad Caalami ah haysato Madaxweyne noqday,hadana la saaray Maxkamadaas,isagoo Madaxweyne ah,isla markaana haatan xilku ka dhamaanayo isagoo la diriraya Maxkamada Cadaalada Aduunka.

Waa muuqaal taariikheed foolxun oo lagu xasuusan doono Uhuru,kuna ah Kenya sumcad xumo.

Jibril Qoobey.