Golaha Wasiirada Puntland oo Shir ka yeeshay Amniga deegaanka (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah iyo mashaariicda, dardargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19, arimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.

Idilnews