Mareykanka oo dalbaday in deg-deg loo dhameystiro Doorashooyinka Somalia

Dawladda Mareykanka ayaa waxaa ay ugu baaqday madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dadajinta arrimaha doorashooyinka & xalinta khilaafka dhexdooda kahor dhammaadka sannadkan, isla markaana muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka.

Kulan gaar ah oo Magaalada Washinton ay ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya iyo Madaxda Mareykanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ku saabsan Amniga iyo doorashooyinka, iyaga oo sigaar ah uga hadlay ka gudbida cawabadaha hortaagan dhameystirka doorashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa loogu sheegay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble in laga doonayo in ay dadajiyaan doorashooyinka, ayna xaliyaan khilaafkooda kahor dhammaadka sannadkan 2021.

Dowladda Mareykanka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa doorashooyinka Soomaaliha ee billowday walow ay weli jiraan caqabado dhowr ah.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.