Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada-hadlay Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay Amb, Nicolas De Reviere.

labada mas’uul ayaa kawada hadlay muhiimada ay leedahay in lagu qabto doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay iyo sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyada oo si buuxda loo fulinayo qorshaha kala -guurka iyo dib -u -qaabaynta Ciidanka xoogha dalka.

Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaalida inay waqti dhow soo geba-gabeeyaan howlaha doorashooyinka socda, kuwaas oo loo baahan yahay inay noqdaan kuwo daahfuran.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Safiirka sida ay mar walba u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxaa isa soo taraya baaqyada kala duwan ee ka imaanaya Beesha Caalamka, kaas oo loogu sheegayo Madaxda Soomaalida inay si deg deg ah sanadkaan u dhammeystiraan doorashada Soomaaliya.

Idilnews