Maxay ka wada-hadleen Guddoomye Abwaan iyo Madaxa UNHCR ee Somalia ? (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa ugu sareeya Somalia ee hay’adda UNHCR Mr Magatte Guisse Iyo Madaxa Xafiiska Bosaaso ee hay’adda.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay is barasho iyo is xog-wareeysi Maamulka Gobolka Iyo Madaxa cusub ee ugu sareeya UNHCR ee Somalia, mashaariicda socda iyo kuwa ay soo waddo hay’addu, ka qeyb qaadashada arrimaha deg-dega ah, arrimaha qaxootiga, iyo sidii loo xoojin lahaa, Dhismaha Garoonka kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada Dekadaha Dowladda Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda UNHCR.
Guddoomiyaha ayaa Mr Magatte Guisse ku maamuus kitaabka qur’aanka maadama uu yahay nin muslim ah sidoo kale waxa uu guddoonsiiyey agabka hidaha iyo dhaqankeenka soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisaamd Abwaan, ayaa ugu horeeyn xafiiska ku soo dhoweeyey madaxa ugu sareeya UNHCR Somalia Iyo saraakiisha kale ee ka tirsan hay’adda waxa uuna uga warbixiyey xaalada guud ee Gobolka waxa ayna ka wada hadleen mashaariicda ay hay’addu ka waddo Gobolka iyo kuwa soo socda.

Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha ayaa soo kala tusay xarunta Gobolka madaxda hay’adda.

Idilnews