Rooble iyo Safiirka Turkiga oo ka wada-hadlay doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Idilnews