UK oo maalgalineysa 3 Dekadood oo ay kamid tahay Berbera

Dowlada Uk qeybteeda Maalgashiga Horumarinta ayaa waxa ay maalgelin ku sameyneysaa saddex dekadood oo ku yaal qaarada Afrika.

Maalgelintan ayaa ah tii ugu badneed ee dowlada UK 73kii sano ee ugu dambeysay ay ku sameyso qaarada Afrika.

Dekedaha la maalgelinayo ayaa waxaa ku baxay lacag gaareysa $ 1.7bn iyadoo ay iska kaashadeen DP World, oo ah maamulaha dekedaha ee fadhigeedu yahay Dubai.

Kooxda CDC waxay ku dhawaaqday Talaadadii inay ku maalgelinayso $ 320m horraantii ballaarinta dekadaha Masar, Senegal iyo maamulka isku magacaabay Somaliland.

Waxa kale oo ay damacsan tahay inay $400m oo dheeraad ah siiso shirkadda dekedaha DP World.

Saddexdan dekedood ee kala ah Dakar, Senegal, Sokhna oo ku taal xeebta Badda Cas ee Masar iyo Berbera ee Somaliland – ayaa waxaa ka abuuri doonto ku dhawaad ​​140,000 shaqooyin toos ah saddexda dal isla markaana ay ku dari doonto in ka badan $ 50bn ganacsiga guud marka la gaaro 2035.

Ballaarinta Berbera, oo ahayd caasimaddii hore ee maxmiyaddii British Somaliland, waxay kordhin doontaa wax -soo -saarka guud ee Somaliland in lagu qiyaasay boqolkiiba 6 iyo sidoo kale inay beddel u noqoto isticmaalka Jabuuti ee Itoobiya oo aan bad lahayn.

Idilnews