Thomas Sankara: Walaalkeey wuxuu ahaa madaxweyne balse cambuulo kaliya ayuu i siin jiray

Dacwad muddo dheer la sugayay oo ku saabsan dilka madaxweynihii hore ee Burkina Faso, Thomas Sankara, ayaa ka billaabatay magaalada Caasimadda ah ee Ouagadougou.

Sanadkii 1987-kii ayaa Sankara lagu dilay afgambi ka dhacay dalkaas, wixii markaas ka dambeeyayna la isma weydiinin cidda dishay, Ilaa laga soo gaaray 2014-kii oo uu isbaddal weyn dhacay.

Ninkaas waxaa lagu yaqaannay inuu iska ilaalin jiray ku takrifalka hantida dowladda, noloshiisuna waxay ahayd mid aan ka duwaneyn tan dadka caadiga ah ee muwaadiniinta ah.

Paul iyo Valentin Sankara oo Ku Hooyo iyo Aabe ah Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay Dhaqanka walaalkood waxeyna sheegeen in xitaa Familkooda aanan loo ogolaan jirin in ay Madaxtooyada tagaan.

‘Ma fileynin cambuulo’
“Maalintii ugu horreysay ee aan lugta saaro madaxtooyada, aabbe ayaa wax iiga dirsaday, waxay ahayd xilli duhurnimo ah, aad baan u faraxsanaa maalintaas.

“Waxaan niyadda iska dhahayay, ‘cajiib… maanta runtii waxaan raashin ku cuni doonaa miiska weyn, laakiin waxaa lama filaan igu noqotay, markii aan imid, halkii aan raashin madaxtooyo sugayay waxaa la isoo hordhigay saxan cambuulo ah. Waa cambuulada waddooyinka iyo meel walba lagu iibiyo, oo lagu heli karo lacag ka yar nus doolar.

“Canbuuladii ayaan eegay, markaas ayaan niyadda iska dhahay, tani waa nasiib darro, laakiin si aanan u niyad jabinin, dhowr jeer ayaan cantuugay. Markaan ka dul kacay ayay igu dhaheen, ‘maxaa kugu dhacay? maad cuntid raashinka?’ Markaas ayaan ugu jawaabay, ‘maya dhib malaha, hadda markaan Guriga kasoo baxaayay ayaan wax soo cunay”, ayuu yiri Valentin.

Wuxuu intaas ku daray in arrintaas uu aad ula yaabay, ayna ku noqotay wax waalli ah.

BBC

Idilnews