Laftagareen oo bogaadiyay taageerada Turkiga ee dadkii lasoo masaafuriyay (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo ujoogay Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka Danta yar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay kaalin uga geysan lahayeen bulshada laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

“waan idinkaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen caawa, shaqo wanaagsan ayaad qabateen wacyi-gelinta bulshada iyo taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey magaalada laascanood waa shaqo mudan inaan idinkaga mahadcelino,dowlada iyo shacabka turkiga marwaliba qalbiyadeena waad ku weyntihiin waadna mahadsantihiin garab istaaga walaalihiina soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Hadiyad Kitaab Quraan ah ka Gudoomay Culi’mada ka socotay Dowlada Turkiga.

Idilnews