Mustafe Cagjar oo loo caleema-saarayo mar kale Madaxweynaha DDS (VIDEO)

Waxaa goor-dhaweyd furmay Golaha 6-aad kal-fadhigiisa 1aad ee dowlad degaanka Soomaalida, iyada oo la caleema saarayo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar.

Wafuud kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku qulqulaya magaalada Jigjiga, waxaana kamid ah Madaxweynaha Deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa, oo saaka garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal, halka shalay ay Jigjiga soo gaareen Wafti ka socda Somaliland oo ay horkacayaan Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Mustafe Muxumed Cagjar ayaa waxaa uu dowlad degaanka Soomaalida uu maamuli donaan 5-ta sano ee soo socota, waxaana maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Jigjiga.

Idilnews