Qatar oo lagu tuhmay in ay ka danbayso Dilkii Xildhibaankii Ingiriiska ahaa

Baaritaan,ayaa lagu bilaabay xiriirka dhow ee xildhibaankii la dilay ee Barlamaanka Ingiriiska uu la lahaa Dawladda Qadar iyo dilkiisa.

Booliska Ingiriiska,ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan in uu jiri karo xiriir ka dhaxayn kara Dilka Xildhibaanka iyo xiriirkiisa Bariga Dhexe.

Xildhibaanka la dilay,ayaa todobaadkii hore kasoo laabtay Qatar.

Sidoo kale Xildhibaanku,waxuu ka mid ahaa Gudiga uqaabilsan Baarlamaanka Wadamada Khaliijka.

Bogga hore ee Daily Telegraph iyo The Times oo ah labo jaraa’id oo waa weyn aadna loo akhristo Dalka Ingiriiska,ayaa lagu daabacay sheekadan.

Sababta loola xiriirinayo ee shakiga abuurtay Dilka Xildhibaanka Qatar,waa Wiilka Somaliga ah ee dilay Xildhibaanka oo Aabihiis ka shaqeeyo Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya,kaasoo danaha Qadar kasoo horjeeda iyo soo laabashada Farmaajo.

Waxayna leeyihiin waxaa dhici karta in Madaxtooyada Soomaaliya ay Qadar u adeegsatay in ay Wiilkan yar uu hawshaa fuliyo.

Qatar waxaa aad loogu xantaa in ay xiriir dhow la leedahay argagixisada caalamka oo idil,waana mida shakiga sii xoojinaysa

faahfaahinta xogtaas gadaal,ayaan idin kala wadaagi doonaa.