Fiqi “Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel, isagoo soo joojiyay dagaalka Argagixisada”

Wasiirkii hore ee Amniga Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku eedeeyay Tiliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee DFS Gen. Odawaa Yuusuf Raage inuu horkacayo dagaalka la doonayo in lagu qaado magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, si lamid sidii uu u hoggaaminayay dagaaladii muddo kororsiga ee ka dhacay Muqdisho bishii April ee sanadkan.

Wasiir Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay u muuqato in Gen. Odawaa uusan fahamsaneyn masuuliyadda loo igmaday, isagoona intaas ku daray inuu qaadi doono mas’uuliyadda ficilada guracan ee uu ku howlan yahay.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraal Axmed Macalin Fiqi.

Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel asagoo sheeganaya taliyaha ciidanka XDS, shalayna wuxuu hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ah ee Muqdisho iyo kii banaanbaxyada lagu diidanaa!.

Wuxuu dhabarka u ridanayaa oo lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyadda ficilkiisa gurracan ka dhalata, ayadoo ay muuqato inuusan fahamsanayn waajibaadka xilka loo igmaday!.!”

Dhammaan wuxuu soo joojiyay furimihii dagaalka ee ciidamada XDS ay kula jireen argagixisada, uma malaynayo taliye ka mid ah kuwii soo maray XDS inuu yeeli lahaa waxa Odowaa yeelayo iyo sida loo isticmaalayo. Waa nasiibdarrada ciidamadeena ku habsatay!

Idilnews