Wakiilkii ugu sareeyay Mareykanka ee Afghanistan oo is-casilay

Ergaygii ugu sareeyay Mareykanka ee Afghanistan ayaa xilkiisa iska casilay wax ka yar laba bilood kadib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi.

Zalmay Khalilzad ayaa hoggaaminayay wada hadalladii Mareykanka ee Taliban, laakiin wada -hadallo diblomaasiyadeed oo socday muddo bilooyin ah ayaa ku guul -darreystay in laga hortago in kooxda xagjirka ah ay awoodda qabsato.

Kooxda Talibanka ayaa xukunka la wareegtay bishii August kadib markii ay qabsadeen caasimadda Kabul.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in ku xigeenka Mr Khalilzad, Thomas West, uu xilka la wareegi doono.

Idilnews