Diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare ee Jubbaland oo lasoo gaba-gabeeyay (VIDEO)

Waxaa goor-dhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland diiwaan-gelinta musharixiinta kuraasta ka harsan Aqanlka Sare ee deegaanada Jubbaland.

Gudiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Jubbaland ayaa diiwaangeliyay 7 Musharax oo u tartami doono Afarta kursi ee Aqalka Sare ah, kuwaas oo kala ah, Ibraahim Awgaab Cusmaan, Farxiyo Macalin Cabdi, Maryan Faarax Kadiye, Samsam Maxamed, Laylo Nuux Maax , Xareedo Maxamed Sheekh & Xassan Daahir Yarow, halka musharixii 8aad uu isaga haray tartanka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in si wanagsan ay ugu dhamaatay diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay u diyaar garoobeen inay mMalinta berito ah qabtaan doorashada Afarta kursi.

Idilnews