Maxay Puntland kala hadashay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee joogo Garoowe? (VIDEO)

Guddoomiyaha gobalka Nugaal Maxamuud Xasan Maxamed, oo ay wehlinayaan Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal iyo Guddiga Amniga Puntland ayaa kulan looga hadlayo wada-shaqeynta iyo xiriirka bulshada Koonfur Galbeed iyo dowladda Puntland la qaatay ganacsatada iyo waxgaradka kasoo jeeda KGS ee ku sugan caasimadda Puntland.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii bulshada kasoo jeeda koonfur galbeed uga qeybqaadan laheyd adkeynta Amniga iyo hormarinta caasimadda Garoowe.

Idilnews