Shiinaha oo laga codsaday taageerada Ciidanka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya FEI Yengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xiriirka laba-geesoodka ah ee labada Dowladood iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda China ka waddo Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Shiinaha ka codsatay in loo baahan yahay in qeyb ka noqoto dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladdaha si weyn u taageera Soomaaliya.

Idilnews