Guddiga TPEC iyo Taliyayaasha Ciidammada oo ka wada-hadlay Amniga Doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidammada Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Booliska Gen. Cabdi Xasan Xuseen.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga doorashooyinka hordhaca ah ee bishan October ka dhacaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, Guddoomiyaha Guddiga TPEC ayaa sheegay inay Taliyayaasha isku fahmeen Waxaan habraaca ciidamadu ku shaqaynayaan iyo sida ay uga hawlgalayaan dhamaan seejooyinka doorashada.

Sidee kale, Guddoomiye Guuleed Saalax ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Dadwaynaha, ururada siyaasadda, korjoogtada, saxaafadda, ururada bulshada iyo martisharafta kalaba inay qaataan awaamiirta lagu sugayo amniga ee kasoo baxaya ciidanka amniga doorashada, si ay u qabsoonto doorasho xasiloon.

Idilnews