Madaxweyne Karaash oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Jeedaal (VIDEO)

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey deegaanka Jeedaal oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Soo dhawaynta madaxweynaha waxaa ka qayb-galay bulshada deegaanka Jeedaal
oo ay hormuud u yihiin masuuliyiinta heer degmo, gobol, isimada iyo waxgaradka deegaanka Jeedaal.
Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay mashruuc ceelbiyood oo dawladda Puntland ka hirgalinayso Jeedaal.

Safarka madaxweyne ku-xigeenka ee gobolka Bari, gaar ahaan degmada Ufayn iyo deegannada hoos yimaada ayaa la xiriira u kuur galidda baahiyaha deegaanka iyo mashaariic horumarineed oo la hirgalinayo.
waxaana uu dhanka kale madaxweynuhu daah fur ku samayn doonaa doorashada qof iyo cod ee 25-ka bishan ka qabsoomaysa degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa caawa ku hoyday degmada Ufayn.

Idilnews