MAXAMED NUUR OO LAGA YAABO INUU JULY XABSIGA KA SOO BAXO

Maxamed Nuur oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka booliiska ee magaalada Minneapolis, xabsina ugu jiray dilkiiJustine Ruszczyk, ayaa maanta dib loo xukumay.

Maxamed ayaa lagu xukumay ku dhawaad 5 sano oo xabsi ah, shantaas sano ayaa waxaa laga gooynayaa, dhawrkii sano ee uu xirnaa, waxaana laga yaabaa inuu bisha July ee sanadka danbe xabsiga ka soo baxo.

Dhawaan ayaa maxkamadda Sare ee gobalka Minnesota waxaa ay tuurtay xunkunkii 12 sano iyo barka ahaa ee hore loogu xukumay Maxamed, kaasi oo maxkamaddu ay u aragtay in aanu cadaaladda waafaqsanayn.

Garyaqaanada Maxamed Nuur ayaa maxkamadda waydiistay in 41 bil lagu xukumo Maxamed taasi oo keeni lahayd inuu xabsiga ka soo baxo dhamaadka sanadkaan, laakiin taa badelkeed Garsooraha ayaa ridday xukun ah ku dhawaad 5 sano oo xarig ah.

Waloow sida la rajaynayo uu Maxamed Nuur Xabsiga ka soo bixi doono bartamaha Sanadka Danbe, hadana Jaaliyadda Soomaalidu uma arkaan go’aanka maxkamaddu maanta gaartay inuu ahaa mid cadaalad ah.

Xigasho:-Somtv